Microsoft Office 365 oo Looga Dhigay Bilaash

Microsoft Office 365 oo Looga Dhigay Bilaash

Microsoft Office 365 oo Looga Dhigay Bilaash Dhamaan Macalimiinta iyo Ardada Aduunka oo Dhan.

Ardada iyo macalimiinta ku nool Maraykanka horay ayayba u isticmaalayeen khidmadan ay fidisan sharikada Microsoft ay fidisay uguna magac dartay Ofiice 365, hayeeshee waxay sharikadu ku dhawaaqday in dhamaan iskoolada aduunka oo idil ay iyaguna bilaash ku isticmaali karaan wixii iminka ka dambeeya, halka dhamaan hayadaha kale iyo dadkuba ay bixiyaan lacag taasoo aad ugu sahlaysa waxbarashada ardayda aduunka gaar ahaan kuwa danyarta ah. Si hadaba aad u isticmaasho waxaa lagaa rabaa oo kaliya inaad buuxiso form-ka xubnaha isla markaana aad siiso Microsoft “school email address” emailka schoolkaaga aad ku leedahay taasoo micneheedu yahay in marka hore madrasadaadu ay buuxiso formkaa deetana Microsoft ay ansixiso madrasadaada.

Waxaa khidmadan si joogta ah u isticmaala dhamaan ardada Hong Kong, ilaa 6 million oo ah ardada Australia, ilaa 7 million oo ah ardada Brazil, 5 million oo ah ardada Jarmalka, ilaa 1 million oo ah ardada dhigata Jaamacada Anadolu ee Turkiga iyo kuwa kale oo badan. Ardaydii nasiib uyeelata in lagu ansixiyo waxay helayaan “the latest versions of Word, Excel, PowerPoint, OneNote, Access, and Publisher ” waxaana laguu ogolyahay inaad ku nuqusho(install) ilaa 5 computer ama Macs iyo ilaa 5 kuwa gacanta lagu qaato. Sidoo kale waxaa OneDrive lagaa siinayaa space storage aad hawlahaaga ku xifdiso. Ugu dambayn waxaan jeclahay in fursdan ay ka faa’iidaystaan dhamaan ardada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gudaha dalka.

Waxaa isku duway : Faysal Cali Ciise

Madaxa Barmajada Falsan Web Studio

http://www.falsan.com