Kaydso Faylashaada Bilaash : Free cloud storage online

Kaydso Faylashaada Bilaash : Free cloud storage online

Inkasta oo qof walba aanu ubaahnayn storage uu ku xafito faylashiisa hadana dadka qaar ayaa laga yaabaa in akhbaartani ay ka farxiso gaar ahaan inta danaysa IT-ga. Dadka isticmaala Google ayaa dhawaan waxay ku farxeen akhbaar ay shaacisay sharikada Google oo ah in ay siyaasiday mugga Google Drive ilaa 2 gigabytes oo dheeri ah. Sharikada kale oo iyaguna danaynaya inay iyaguna siiyaan dadka khadamaad la mid ah kan Google ayaa kusoo biiray suuqa technolojiyada, waxaanse eegaynaa fawaa’ida iyo khatarta ay yeelan karto khadamaadka noocan ah.

  • Adigoo awooda inaad faylashaada goor kasta iyo meel kasta heli kara oon ku xirnayn komputerkaaga khaaska ah.
  • Adigoo ka haysta dhamaan faylashaada nuskhad “Back up Copy” si ayan ulumin hawshaada marna.
  • Adigoo si sahlan oo waliba khaas ah ula wadaagi kara faylashaada dadka muhimka kuu ah, xitaa sawirada iyo videos-ka.

Ugu dambayn waxaa suura gal ah inay ka timaado khatar maadaama ay sharikad kale ay kuu xifdiyayso faylashaada sida hadii ay suuragasho dhacdo “hacking attack” ama ay hayadaha dawladu codsato faylashaada, waxaa kale oo suuragal ah in aadan si quman aadan u xirin faylasha qaar taasoo keeni karta si sahlan loo helo xogtaada kuugu kaydsan cirka.

 

Sharikadaha kale ee iyaguna khidmadan bilaashka ah ku wehliya Google Drive waxaa ka mid ah:

 

Qore Faysal Cali Ciise http://www.falsan.com/